885 Views

Gobolka Minnesota oo xalay lagu dilay wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa shaqaalada xawaaladda TAAJ

Gobolka Minnesota oo xalay lagu dilay  wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa shaqaalada xawaaladda TAAJ
____________________________________________________________________________

 April 28-2021

Waxaa xalay lagu dilay xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa shaqaalada xawaaladda TAAJ, kaddib markii koox hubeysan oo doonayay inay dhacaan xawaaladda ay toogteen.

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusman Baqarre ayaa isbitaalka loola cararay, iyadoo waxyar kaddibna lagu dhawaaqay geeridiisa.

Booliska Magalaada Minneapolis ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeysay dilka Liibaan, waxaana afhayeenka booliska Minneapolis John Elder uu sheegay inay billaabeen baaritaanka toogashadan, isagoo ka codsaday dadweynaha in haddii ay helaan macluumaad ku saabsan dadka looga shakisanyahay dilkan ay u soo gudbiyaan dambi-baareyaasha Minneapolis.

Soomaalida xaafadda Cedar oo ka xun dilkan ayaa iskugu soo baxay goobtii lagu dilay Liibaan Baqarre.

Dhawaan ayay aheyd markii toogasho nuucan oo kale ahayd lagu dilay Macallin Cabdinaasir oo mid ahaa macallimiinta dugsiga Qur’aanka ee Al-Jazari ee Masaajidka Dal-Alfaaruuq ee magaalada Bloomington gobolka Minnesota.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post