861 Views

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay Roob mahiigaan ah

____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 02 2020–Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa manta soo saartay warbixinta ku sadaasha fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga ee bisha May oo dhan.
Warbixinta ay soo saartay Dowladda looga hadlay meelaha iyo deegaannada ay sadaashu tilmaameyso in ay saamey ku yeelan karaan fatahadaadaha iyo daadadka roobka ee ka bilowday Goballada iyo Demooyinka Dalka
Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka ka dhasha xilli roobaadyada oo ah kuwa soo noq noqday ayaa waxey saameyn ku yeeshaan Bulshooyinka ku nool meelaha ay ka dhacaan.
Hadaba sanadkan xiligan Gu’ga waxaa la saadaalinayaa in ay di’I doonaan roobab cabbirkooda lagu qiyaasay in ay ka badan doonaan roobabkii hore uga di’i jiray Dalka.
Sida sadaashu tibaaxayso, waxaa laga cabsi qabaa in inta lagu guda jiro bisha May,2020-ka ay fatahaado ka dhici doonaan dhowr Degmo oo Webigu oo ah ka mid ah kuwa uu Webigu maro. Kuwa halista ugu badan wajahaya waxaa ka mid ah Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo qaar kale.
Inta lugu guda jiro bisha May 2020ka, meelaha ay saadaashu ka digeeyso in ay dadka ku dhaqani aad u feejignaadaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada sida Bari, Nugaal, Sanaag, Sool, Awdal iyo kuwa kale.
“Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeedlan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed”, ayaa lagu yiri warbixinta.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa manta soo saartay warbixinta ku sadaasha fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga ee bisha May oo dhan.

Warbixinta ay soo saartay Dowladda looga hadlay meelaha iyo deegaannada ay sadaashu tilmaameyso in ay saamey ku yeelan karaan fatahadaadaha iyo daadadka roobka ee ka bilowday Goballada iyo Demooyinka Dalka

Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka ka dhasha xilli roobaadyada oo ah kuwa soo noq noqday ayaa waxey saameyn ku yeeshaan Bulshooyinka ku nool meelaha ay ka dhacaan.

Hadaba sanadkan xiligan Gu’ga waxaa la saadaalinayaa in ay di’I doonaan roobab cabbirkooda lagu qiyaasay in ay ka badan doonaan roobabkii hore uga di’i jiray Dalka.

Sida sadaashu tibaaxayso, waxaa laga cabsi qabaa in inta lagu guda jiro bisha May,2020-ka ay fatahaado ka dhici doonaan dhowr Degmo oo Webigu oo ah ka mid ah kuwa uu Webigu maro. Kuwa halista ugu badan wajahaya waxaa ka mid ah Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo qaar kale.

Inta lugu guda jiro bisha May 2020ka, meelaha ay saadaashu ka digeeyso in ay dadka ku dhaqani aad u feejignaadaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada sida Bari, Nugaal, Sanaag, Sool, Awdal iyo kuwa kale.

“Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeedlan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed”, ayaa lagu yiri warbixinta.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment