1038 Views

Tartanka Euro 2020: ciyaar adag oo caawa dhexmari doonta Egland iyo Ukraine

Tartanka Euro 2020: ciyaar adag oo caawa dhexmari doonta Egland iyo Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: Julay 3, 2021

Xulka dalka England ayaa caawa wajihi doona dhigooda dalka Ukraine wareega afar dhamaadka Euro 2020.

Ciyaarta Ukraine iyo England ayaa ka dhici doonta garoon ku yaalla magaalada Rome ee dalka Taliyaaniga.

Ciyaarta oo soo gali doonta caawa saacadda afrikaca bari marka ay tahay 10 habeennimo ayaa ah mid si wayn loo wada sugayao.

England ayaa doonaysa inay u soo baxdo markii ugu horeysay semi-finalka tartanka oo ay muddo 25 sano ka maqneyd.

Ciyaarta caawa ayaa ah tii ugu horeysay ee England ay ku ciyaarto meel ka baxsan gurigeeda, ka dib markii ay afartii kulan ee ugu horeysay ay ku ciyaartay garoonka Wembley.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post