1209 Views

Rooble oo daah furey tababar loo sameynayo guddiyada doorashada ee heer goboleed iyo heer federaalba

Rooble  oo  daah furey tababar loo sameynayo guddiyada doorashada ee heer goboleed iyo heer federaalba
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta daah furey tababar loo sameynayo guddiyada doorashada ee heer maamul goboleed iyo heer federaalba.

Tababarkan ayaa soconaya illaa iyo 5-ta bisha danbe ee July, kaasoo qeyb ka ahaa qodobadii ay shaley soo saareen ra’iisal wasaare Rooble, iyo madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ra’iisal wasaaraha ayaa kula dardaarmey xubnahan iney waajibaadkooda ugga soo baxaan si daacadnimo iyo hufnaan leh.

Guddiyadan loo furey tababarka, ayaau ah udub dhexaad doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa, iyagoo loogga fadhiyo iney kasoo dhalaalaan hawlihii loo igmadey guddiyadan.

Doorashadan ayaa socon doonta illaa iyo afar bilood, taasoo lagu soo dooran dooro xildhibaanada aqalka baarlamaana, aqalka sare iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post