672 Views

Derek Chauvin oo ahaa Askarigii dilay George Floyd oo lagu xukumay 20 sano xabsi ah.

Derek Chauvin oo ahaa Askarigii  dilay George Floyd oo lagu xukumay 20 sano xabsi ah.
____________________________________________________________________________

Sabti: June 26 2021

Dalka Maraykanka oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka socotay Dacwad ka dhan ah askarigii dilay George Floyd ayaa la soo gaban gabeeyay.


Derek Chauvin oo ahaa sarkaal boolis hore ahaa, laguna helay dambiga dilkii George Floyd oo ahaa bulshada Mareykanka Madowga ah, kaas oo ka dhacay magaalada Minneapolis ayaa maxkamadda degmada Hennepin ee gobolka Minnesota ku xukuntey 270 bilood oo u dhiganta 22 sano iyo bar oo xabsi ah.

Dhinaca kale Bannaanka dhismaha ayaa waxay dadka kaga doodayeen in xukunka uu yahay mid u qalma iyo in kale, waxayna dadka qaar ku doodayeen in sannadada lagu xukumay Derek Chauvin ay yar yihiin halka qaarna ay yirahdeen muddada la xukumay iyo dambiga waa ay isu dhigmaan.

Sidoo kale Xukunkaan ayaa waxaa soo dhaweeyay Bulshada Madowga ah eek u Nool Maraykanka iyo Beesha caalamka oo u arkay Dilkii George Floyd  mid si qaldan u dhacay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post