705 Views

Dowladda Mali oo sheegtay iney u yeeratay safiirradi dalalka Galbeedka Afrika ka joogay

Dowladda Mali oo  sheegtay iney u yeeratay safiirradi dalalka Galbeedka Afrika ka joogay
____________________________________________________________________________

isniin: January 10, 2022

Dowladda Mali ayaa sheegtay iney u yeeratay safiirradi dalalka Galbeedka Afrika ka joogay, kadib markii urur goboleedka dhaqaale ee ay ku bahoobeen waddamada galbeedka Afrika ee ECOWAS uu cunaqabateyn dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed ku soo rogay Bamako.

Afhayeen dowladda u hadlay ayaa cunaqabateynka ECOWAS ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, wuxuuna ku eedeeyay ECOWAS inay doonayaan iney maamulaan dalal ka baxsan gobolka.

Ururka ayaa Bamako ku soo rogay cunaqabateenno dhaqaale iyo xiridda xudduudaha ay dalalku Mali la wadagaan ka dib markii madaxda millatariga Mali ay dib ugu laabteen go’aan hore oo ahaa in bisha soo socta doorasho la qabto, ayna ku dhawaaqeen dhowr sana oo kale iney xukunka sii haynayaan.

ECOWAS ayaa Mali hore uga joojisay xubinnimada ururka waxayna ku soo rogtay xayiraad dhanka socdaalka halka tobannaan sarkaalna hantidooda la xannibay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post