1065 Views

SAWIRO:-Dowladda Britain oo Baydhabo ka hirgelisay Saldhig lagu tababarayo Ciidanka Dowladda

SAWIRO:-Dowladda Britain oo Baydhabo ka hirgelisay Saldhig lagu tababarayo Ciidanka Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 22, 2019 —Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta gareen) ayaa daahfurey xarun loogu talagalay inay tababar ku qaataan ciidanka xooga dalka qeybta 60aad taasi  oo ka kooban xafiisyo iyo goobo lagu barto sida wax loo liisho.

 

Madaxweynaha ayaa gudaha xarunta waxaa kuso dhoweeyey wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibadda dowlada uk u qaabilsan arimaha afrika safiirka dowlada ingriiska u fadhiya Soomaaliya iyo sarakiil kala duwan.

 

Soo dhoweyn ka dib madaxweynaha koofur galbeed ayaa kormeerey qeybaha ay ka koobantahay xaruntan waxana uu bogaadiyey sarakiisha dowlada uk sida ay marwaliba u garab tagan yiihin sidii dowlada Soomaliyeed ay u heli lahayd Ciidamo tayaysan oo la wareega amniga guud deegaanadda koonfur galbeed.

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis lafta gareen ayaa madaxda kala hadlay sidii kaalintooda ku aadan xoreynta gobolada koonfur galbeed uga gaysan lahayeen, sidoo kale lafta gareen  ayaa madaxda kala hadlay sidii ay wax uga qaban lahayeen xaaladaha bini-aadanimo ee ka jira koonfur galbeed.

 

Madaxda kasocotay dowlada ingiriiska ayaa dhankooda waxa ay sheegen inay wadaan sidii ay usoo saari lahayeen macalimiin Soomaali ah oo tababarta Ciidanka waxaana ay carabka ku adkeeyen in kan uk ahaan ay kaalin weyn ka geysan doonan xoreynta koonfur galbeed Soomaaliya, iyagoona xusay in marwaliba muhiimada kowaad ay siinayaan arrimaha bini-aadanimada.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment