567 Views

Doorashada Kuraasta Aqalka Sare Ee Ku Harsan Galmudug Oo Maanta Dhaceysa.

Doorashada Kuraasta Aqalka Sare Ee Ku Harsan Galmudug Oo Maanta Dhaceysa.
____________________________________________________________________________

.


Sabti: November 13, 2021

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inay Maanta oo sabti ah ay ka dhacdo doorashada lagu dhameystirayo kuraasta ka harsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Galmudug.

Doorashada dhaceysa ayaa waxaa ku tartamaya Afar Musharax oo u sharaxan laba kursi oo kamid ah 8 kursi ee Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana kursiga koowaad ku tartamaya Cawil Nuur Cali iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo afar sanno Senator ahaa.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku loolamaya Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed, waxaana afartaan Musharax diiwaan-geliyay Guddiga doorashooyinka Galmudug, isla markaana siiyay shahaadada Musharaxtinimo ee Aqalka Sare.

Doorashada oo saacadaha soo socda ka dhaceysa Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka, Guddiga doorashada Galmudug iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Khilaaf siyaasadeed ayaa maalmihii dambe ka taagnaa labada kursi ee Maanta doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee xal buuxa ayaa laga gaaray khilaafka, kadib dadaalo kala duwan oo la sameeyay.

Maamulka Galmudug ayaa noqon doona maamulka ugu dambeeya ee dhameystira doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana horey u dhameystiray maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post