1248 Views

Museveni oo caleemo-saarkiisa ku casuumay in ka badan 400 oo ruux!

Museveni oo caleemo-saarkiisa ku casuumay in ka badan 400 oo ruux!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL| May 12 202Saraakiil katirsan Madaxtooyada Uganda ayaa xaqiijiyay in Caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni uu xafladda uu qabsanayo Arbacada ku marti-qaaday in ka badan 400 oo ruux iyada oo ay taagan tahay xaaladda ka dhalatay Xannuunka Covid-19.

Inta badan Madaxda ka qaybgaleysa munaasabadda ayaa Talaadadii gaartay Magaalada Kampala waxaana ay qaarkood yeesheen kulamo gaar-gaar ah si ay isaga xog-wareystaan xaaladaha ka taagan dalalkooda maadaama ay fursad isku heleen.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay kadib markii ay soo shaac-baxeen warar sheegaya in dibadbax ay dhigayaan taageerayasha hoggaamiyaha Mucaaradka Bobi Wine oo saluugay guusha Madaxweyne Yoweri Museveni.

Cutubyo katirsan Ciidamada ammaanka ayaa la dhigay waddooyinka muhiim ah si ay u gaaf-wareegaan goobaha ay ku badan yihiin taageerayaasha fannaanka da’da yar ee ku guuldareystay hamigii uu ka lahaa madaxtinimada Uganda.

Ku xigeenka Afhayeenka Ciidamada Korneyl Deo Akiiki oo ka hadlay howlgalka lagula soconayo dhaq-dhaqaaqa Guriga Hoggaamiyaha Mucaaradka Bobi Wine waxa uu sheegay in amniga guud ee Wine uu qayb ka yahay xasiloonida Dalka.

Yoweri Museveni oo ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Uganda 14-kii Janaayo 2021 waxa uu helay 58.6% Codadkii la dhiibtay, halka musharixii la loolamay ee Bobi Wine uu helay codad gaaraya 34% balse waxa uu diiday natiijada doorashada kasoo baxday.

Museveni waxa uu xalay kulamo gaar-gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta Talaadadii gaartay Kampala waxaana kamid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si hordhac ah ay isku arkeen sida ay xaqiijiyeen labada madaxtooyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post