552 Views

Ergo ka socota Dowlada Taalibaan oo Norway u jooga inay la hadlaan dalalka reer galbeedka oo gaaray halkaas

Ergo ka socota Dowlada Taalibaan oo Norway u jooga inay la hadlaan dalalka reer galbeedka oo gaaray halkaas
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Hogaamiyayaasha Taliban ayaa wali waxaa saaran cunaqabateynta Mareykanka iyo Qaramada Midoobay; ilaa haatan ma jiro hal dal oo aqoonsaday dowladdooda.

Laakin diblumaasi u dhalatay Norway oo la yirahdo Lisa Golden ayaa BBC-da u sheegtay in arrimaha bini’aadantinimo ay yihiin kuwo si xawli ahaa uga sii daraya.

Taalibaan waxay rabaan in loo fasaxo balaayiin dollar oo haatan ku xayiran bangiyada Maraykanka balse Cunaqabataynta ayaa taas ka dhigaysa mid adag.

Wadahadalladan, ayay ergada reer galbeedka diiradda ku saari doonaan sidii loo heli lahaa habab lagu caawinayo Afgaanistaan.

Bale waxay sidoo kale xoogga saari doonaan muhiimada ay leedahay dowlad loo dhan yahay in Afghanistan ka dhisanto, arrimaha xuquuqul insaanka, iyo aadista gabdhahaee iskuullada.

Arrimahan ayaa sidoo kale la hubaa inay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ee Afgaanistaan ku soo bandhigi doonaan wadahadalkooda, waana markii ugu horreysay ay dhacaan wadahallo noocooda ah tan iyo markii Taliban ay xukunka la wareegtay bishii Ogosto.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post