1446 Views

Shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen Deegaanka Goof Gaduud Buureey

Shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen Deegaanka Goof Gaduud Buureey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 29, 2018 – Shabaab ayaa sheegtay in dagaal culus dabadeed ay u suurta gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Goof Gaduud Buureey oo duleedka kaga beegan Magaalada Baydhabo.

Waxa ay sheegeen in dagaal qorsheysan ay kusoo qaadeyn saakay aroortii ayna khasaaro xoogan gaarsiiyeen ciidamadii xooga iyo kuwo daraawiishta Koonfur Galbeed oo deegaankaasi gacanta ku haayay.

Shabaab ayaa warkaan ku baahiyay mareegta ay wararkooda ku baahiyaan balse ma jirto illo ka madax banaan oo xaqiijinaya in deegaanka Goof Gaduud ay Shabaab la wareegeen.

Shabaab dhankooda ma aysan sheegan hadii uu jiro khasaaro kasoo gaaray dagaalka ay sheegeen in ay kula wareegeen deegaanka Goof Gaduud Buureey, balse taasi badalkeeda waxa ay ku nuux nuuxsadeyn in khasaaro xoogan ay gasriiyeen cidamada dirirtu dhexmartay ee dowladda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment