2016 Views

Gen. Indha Qarshe “Al Shabaab shacabka ayay dhibaateeyeen markii laga saaray Marko”

Gen. Indha Qarshe “Al Shabaab shacabka ayay dhibaateeyeen markii laga saaray Marko”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 01, 2018 —Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay Al Shabaab kala wareegeen degaano hoostagga degamada Marko ee gobolka Sh/Hoose.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la furay wadada xiriirisa Muqdiisho iyo Marko ee ka kala tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo gobolka Banaadir.

Waxa uu xusay in ciidanka xoogga dalka ay hada qorsheynayaan in ay Al Shabaab kala wareegeen degaano kale oo hada ay ciidamada ku wajahan yihiin.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in degaanada laga qabsado Al Shabaab ay ka jiraan xaalado adag maadaama Al-Shabaab ay horay u sii qaataan dhammaan adeegyadii bulshada.

Taliye Indha qarshe ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan awood u lahayn in gurmad deg deg ah ay u fidiyaan shacabka ku nool degaanada Al Shabaab laga qabsado.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment