894 Views

Waa maxay sababta xilka looga qaaday wasiir Cawad?

Waa maxay sababta xilka looga qaaday wasiir Cawad?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 20, 2020 – Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xilka laga qaaday kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu badalkiisa magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, waxaana xigtay in wasiirkii xilka laga qaaday loo magacaabay Safiir walow uu qoraal uu baraha bulshada soo dhigay ku beeniyay arinkaas.

Haddaba muran badan ayaa ku hareereysan sababta xilka wasiirka arrimaha dibadda looga qaaday Axmed Ciise Cawad, waxaana la isla dhexmarayay inuu sababsaday warqad kasoo baxday wasaaradiisa sida la sheegay markii hore walow gadaal laga beeniyay oo wadahadal in lagu dhameeyo ku baaqday dagaallada Itoobiya ka socda.

Idaacadda BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayuu la hadlay Axmed Ciise Cawad wuxuuna ka gaabsaday inuu sheego sababta uu maleynayo in xilka looga qaaday.

“Xilka markii horaba waxaa ii magacaabay madaxda dalka madaxwaynaha iyo rai’sul wasaaraha, markii sidii ay iigu magacaabeen xaq ayay u leeyihiin in marka ay la nqoto hadana ay iga qaadaan” Ayuu yiri Cawad.

Isagoo hadalka sii wata wuxuu yiri: “Sabab gaar ah oo aan hadda kuu sheegi karo ma jirto, madaxwaynaha inaan wada shaqeynay abaal badan ayaan uga hayaa iney fursadaasi i siiyeen oo umadda Soomaaliyeed aan u adeegay, saddex sano ayaan wada shaqeynaynay”

Axmed Ciise Cawad oo muddo badan lasoo shaqeeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee xilka laga qaado kadib magacaabistii golaha wasiirada ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna sidoo kale si diblomaasiyad leh uga jawaabay su’aal laga weydiiyay hadii uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Kuma jirto dhaqanka dowladnimada haddii xitaa wax la isku qabto in idaacadaha looga sheego, anigu waxaan kuu sheegayaa madaxwaynaha ayaanu kulanay wuu ii sheegay in uu xilka iga qaadayo la yaab ma ahayn anigana waan uga mahad-naqay wada shaqeyntii na dhexmartay marka dhib ma jiro”

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post