561 Views

M/weynaha Puntland iyo Ku-xigeenkiisa oo kulan gaar ah ku yeeshay Garoowe

M/weynaha Puntland iyo Ku-xigeenkiisa oo kulan gaar ah ku yeeshay Garoowe
____________________________________________________________________________

Isniin: March 28, 2022

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee Caasimada DG Puntland, ayaa sheegaya in halkaas kula gaar ah uu ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka labada masuul ayaa si gaar ah kaga dhacay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana looga arrinsanayay mas’uuliyiin cusub oo la magacaabayo kuwaas oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Agaasimayaal.

Sidoo kale, xubno Saraakiil ah ayaa sheegaya in kulanka labada mas’uul uu yahay mid albaabadu u xiran yihiin, islamarkaana qodobada intoodii badnaa ay isfaham ka gaareen.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu wareegto kusoo magacaabo masuuliyiin cusub oo iskugu jiro Wasiiro iyo Agaasimayaa

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post