900 Views

Puntland oo shaacisay inay karantiileen dad laga shakiyey

Puntland oo shaacisay inay karantiileen dad laga shakiyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 26 2020–Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ee u qaabilaan Maamulka Puntland ayaa shaaciyey in la helay kiisas Cusub oo Coronavirus ah sidoo kalena ay karantiileen dad looga shakiyey Cudurka.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland Dr Jaamac Faarax ayaa sheegay inay karantiileen 10 Ruux oo looga shakiyey Cudurka,kuwaas oo baaritaan ay ku sameynayaan dhawaana ay jawaabta baaritaanada Shaacin doonaan.

 

 

 

Dadka laga halay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen in  ay gaareen 6 Ruux,kuwaas oo aan ka  bixin deegaannada Puntland.

 

Puntland ayaa shalay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa ay ka hirgelisay Sheybaar lagu baaro Cudurka Coronavirus,taas oo meesha ka saartay in dadka howlo baaritaano ah loogu qaado dalka Kenya taas oo culeys badan ka imaan Murray.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment