678 Views

Weerar jidgal ah oo lagu qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda & Khasaaro ka dhashay

Weerar jidgal ah oo lagu qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda & Khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 02, 2021–Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar jidgal ah oo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Ciidamada dowladda Soomaaliya, xilli ay gelibanayeen Gaadiid dhuxul siday inta u dhaxeysa degmooyinka Walanweyn & Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in gaadiidka oo marayay tuulada doonka oo degmada Afgooye  10km ka xiga dhanka Galbeed ay ku qaadeen weerar jidgal ah, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen weerarkaas ay ku geeriyoodeen 8 qof oo laba kmaid ah ay ahaayeen Darawaliinta waday Gaadiid kuwa xamuulka qaado ah oo siday dhuxul  iyo lixda kale oo ka tirsanaa Ciidamada dowlada oo waday gaadiidka.

Horay ayaa waxaa u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Al-Shabaab ay ku gubeen Gaadiid dhuxul siday, taas oo keentay in Ciidamada dowladda ay gaadiidka mararka qaar ilaalo ka noqdaan.

Sidoo kale shalay Gelinkii dambe ayaa wadada xiriirisa degaannada leego iyo Yaaq-baro weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Al-Shabaab ay ku dileen  Saddex ruux

Wadaadaan ayaa waxaa horey loogu gubay gadiid farabadan oo dhuxul u soo siday magaalada muqdisho alshabaab ayaana Horey u mabnuucay Dhuxusha, intabadana ciidan ayaa soo gudbiya gaadiidka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post