4014 Views

DR. CALI CUSMAAN: SACIIDO WARIIRI ISBOORTIGA SOOMAALIYEED KUMA ILOOBI DOONO

DR. CALI CUSMAAN: SACIIDO WARIIRI ISBOORTIGA SOOMAALIYEED KUMA ILOOBI DOONO
____________________________________________________________________________

Atlanta, USA | QOL | September 18, 2018 – Bulshooyinka ku nool addunyada guudkeeda ayaa waxa ka mid ah qaar ay taarikhdu xusto kuwa oo lagu qadariyo waxyaabaha ay qabteen,waxaana aan maanta qalinka u qaadaneynaa in aan ifino doorka shariifka ah oo ay dumarka addunka iyo waxqabadkoodii oo runtii taarikhda galay, waxay diiradda saareen in ay Dumarka qeyb lixaad leh ka qaataan horumarinta wadamadooda iyo ka qeyb galka dhadhaqaaqyadda lagu kobcinaayo dalalka ay ku nool yihiin, waxaana mitaal u soo qaadaneyna Dumarka Soomaaliyeed sida ay uga qeyb galeen Halgankii xornimadda isla markaana ay ka mid ahaayeen Horseedeayaashi S.Y.L., waxayna door shariif ah ka qaateen in ay ummadda Soomaaliyeed ay heeryadii Gumeysiga iska tuuraan,sidoo kale waxa jira Dumar kale oo qeybaha Bulshada caan ka ahaa kana qabtay shaqo la taaban karo waxaan ka mid ahaa Marxuumad Saciido Nuur Abuukar oo lagu naaneysi jiray Saciido wariiri oo dhawaan ku geeriyootay Dalka Kanada, Marxuumad Saciido Wariiri waxay aheyd qof aad iyo aad u naxariis badan.Ilaahna uu ku maneystay karti ay ku fahamto dadka ay la nooshahay, waxay aheyd qof qiimo ku leh bulsha dhexdeeda isla markaana ilaaliso qiimaheeda,waxaan ku xusuustaa in ay mar kastaba u fikiri jirtay sida wanagsan(Positive), waxaana ay geerideedii taabatay dadka Soomaaliyeed oo dhan madaama ay aheyd qof qaranka Soomaaliyeed qadarin iyo xushmo ku laheyd.

marxuum-sacdiya-wariiri

Haddi aad dooneyso in aad ogaato waxa kuugu xeeran maanta,waxaad milicsataa waxyaabihii shalay dhacay(WAA TUMA MARXUUMAD SACIIDO WARIIRI).

Marxuumar Saciido Wariiri,waxay dhadhaqaaqa Isboortiga gaar ahaan Kubadda Koleyga ay bilawday bartamihii 60damaadkii,waxaynaa ka mid ahayd ciyaartoyda ku ciyaari jiray dugsigii Bartamaha,waxayna dhiiri gelin ay u muujisay in Dumarka Soomaaliyeed ay ka qeyb galaan Isboortiga iyo waxbarashada,maadaama ay aheyd qof aqoonta ku wanaagsan isla markaana looga dambeeyo Kubadda Koleyga.

Dr.Ali Osman Aqoonyahan dhinaca Dhaqaalaha iyo Khabiir Sports
Dr.Ali Osman Aqoonyahan dhinaca Dhaqaalaha iyo Khabiir Sports

Sanadku markuu ahaa 1968dii,waxa Wariiri loo doortay in ay ka mid noqoto xulka qaranka Kubadda Koleyga,waxayna ka qeyb gashay iyada Ciyaartoydii kale Tartan Kubadda Koleyga ee Afrika ee lagu qabtay Qaahira…waxayna halkaa ka muujisay wacdaro  illaa iyo maanta la xusuusto.

Sanadkii 1970-71,waxa Dawladii Kacaanka aheyd ay abaabushay safar lagu aadaayey Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya si loo abuuro isdhexgal bulshadda,waxaana Xamar ka baxay kooxo Kubadda Koleyga,Kubadda Cagta iyo Kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashadda,Marxuumad Saciido waxay ka mid aheyd Kooxii Gabdhaha ee Kubadda Koleyga, Anigana waxaan ka mid ahaa Kooxdii Kubadda Koleyga,safarkaasi waxa uu keenay in lagu dhiirado Tartankii Goboladda ee Soomaliya oo lagu Guuleystay,Wariiri ayaana dhacdadaas lagu xusuustaa,iyadoo sidoo kale Safaro ciyaaro aan aniguba qeybka ahaa u tagtey Hiiraan,Jowhar,Marko,Baydhabo iyo KIsmaayo.

somali-basketball-1

Dhamadkii 1971kii,waxa u ciyaareysay Degmadda Waaberi,isla sanadkaana waxa qaadatay Naadigii Dawladda Hoose ee Xamar,waxayna kaloo ka mid noqotay Xulka Qaranka Soomaaliyeed iyadoo ka qeyb gashay tartamo dhawr ah iyadoo mataleyso Qaranka Soomaaliyeed

somali-basketball-2

Waxay aheyd geeri xanuun badan oo taabatay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed,gaar ahaan Bahda Isboortiga(Kubadda Koleyga),waxaana halkaan tacsi gaar ah ugu diraya dhamaan Ummadda Soomaaliyeed,dadkii ay Isboortiga ay ku wada jireen 50-kii sano,qoyskii ay ka tagtay,caaruurteedii iyo dhamaan inta ay soo wada shaqeyeen.

somali-basketball-3

Sidoo kale waxaan mahad aan la koobi karin u jeedinayaa dadkii soo abaabulay baroordiigii loo sameeyey oo kala ahaa,Wasiir Aaden Maxamed Cali,Wasiir Saciid Qorsheel,Xildhibaan Cumar Cusmaan Waasughe,Gudoomiyahii Hore ee GOS Mr. Cabdulqaadi Abkow,La taliyaha Wasiirka Isboortiga Ibrahim rombo,Gudoomiyaha Guddiga talo Jeedinta Mudane Cabdulqaadir Gurey,Muse Faarax,Cumar Cali Dhuxulow,Asad Cusmaan,Taageere Cabdulqadir Holey,Gabdhihii Kubada Koleyga ee goob joog ka ahaa iyo dhamaan dadkii arrinta ka qeyb galay, iyo sidoo kale dadkii ka danbeeyey in Koob kubadda koleyga ah lagu maamuuso halyeeyad Saciido Wariiri waxaan ugu duceynay Janadii Fardawsa aheyd.

somali-basketball-5 somali-basketball-4 somali-basketball-7

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

_____________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment