4701 Views

Hoos u dhac xoogan oo ku yimid qiimaha ariga ee loo dhoofiyo Sucuudiga

Hoos u dhac xoogan oo ku yimid qiimaha ariga ee loo dhoofiyo Sucuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Qiimaha la kala siisanayo Ariga gaar ahaan Idaha ayaa hoos u dhacay kaddib markii Sucuudiga uu cunaqabateynta xoolaha Soomaaliya qaaday islamarkaana uu dib u billowday dhoofka Xoolaha Soomaaliya.

Fahd Bin Siban Al-Sulami, oo ka mid ah Guddiga rugta Ganacsiga Jiddah,ayaa sheegay in 20% uu hoos u dhacay qiimaha lakala siisanayo xoolaha Sanadkan iyada oo si weyn Carafada loo isticmaalo.

Abdul Rahman Al-Fadl,oo ah wasiirka Biiyaha,Beeraha iyo Degaanka Sucuudiga ayaa qaatay go’aanka qiima dhimista loogu sameeyay xoolaha gaar ahaan Idaha si muwaaddiniinta Sucuudiga ee gudanaya Xajka ay u helaan xoolo raqiis ah.

Dowladdu waxaa ay jaan gooysaa oo go’aan ka gaartaa qiimaha iyada oo laga eegayo faa’idada dowladda ka soo geleysa Dalka.

Sanadkan iibka xoolaha Soomaaliya ee Sucuudiga ayaa la filayaa in muwaaddiniinta Sucuudiga ay ka sameeyaan 11 Bilyan oo Riyaalka Sucuudiga ah.

Al-Sulami, oo la hadlayay Wargeyska Al Watan ee ka soo baxa Sucuudiga ayaa sheegay in 80% Xoolaha Xilliga Carafada la cuno laga soo dhoofiyo Soomaaliya iyo Suudaan,waxaana uu intaas ku daray in 20% ka kale laga debbero gudaha Sucuudiga.

Dib u fasixidda xoolaha Soomaaliya ay Sucuudiga ka dhoofsato ayuu sheegay in kaliya aysan horseedeyn xasilloonida suuqa Sucuudiga ee ay sidoo kale horseedeyso in qiimo jaban lagu helo Idaha oo ah kuwa ugu badan ee xilliga Xajka la gowraco waqtiga Xudxiyada.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment