333 Views

Shir-weyne looga hadlayay abaaraha oo ka qabsoomay Dhuusamareeb

Shir-weyne looga hadlayay abaaraha oo ka qabsoomay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 7, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta bini’aadanimo ee ka dhalatay, kaas oo xalay lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Bini’aadanimada Cabbdirahman Cabdishakur Warsame, oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb,kadib safar dhulka ah oo uu kusoo maray qeybo ka mid ah deeganada Galmudug.

Waxaa sidoo kale shirka goobjoog ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Xeer ilaaliyaha Galmudug, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsatada, culimada, dhalinyarada iyo haweenka Reer Galmudug.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug oo soo qabanqaabisay shirka ayaa warbixin guud ee xaalada abaaraha kusoo bandhigtay shirka, ayadoona lagu gorfeeyay deegaanada iyo dadka ay abaarta saameesay.

U-jeedka shirka oo ahaa u qareemidda iyo garab istaagga dadka abaaruhu wax-yeelleeyeen ee ku dhaqan degaannada Galmuudg, ayaa hoosta laga xariiqay in muhiimadda koowaad la siiyo u gurmashada dadka sida daran abuurtu u saameeyesay, waxaana laga dooday baahida loo qabo in bulshada lagu baraarujiyo baaxadda abaarta iyo sidii loo heli lahaa xal-waara.

Madaxweynaha DG Galmudug ayaa baaq u diray qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan caawinta iyo garab istaagga walaalahood ay abaartu saameysay, iyadoo la saadaalinayo in biyo la’aantu kasii dari karto bilaha soo socda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post