1362 Views

Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka digay in doorashada KGS laga reebo musharixiin gaar ah.

Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka digay in doorashada KGS laga reebo musharixiin gaar ah.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | November 23, 2018 Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe oo katirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya oo ku sugan Baydhabo, ayaa ka hadlay khilaafka la sheegay inuu hareeyay guddiga doorashada Koofur Galbeed.

Khilaafka ka dhex jira guddiga doorashada ayaa la sheegayaa in uu salka ku haya cadaadis xoog leh oo ay saareyso dowlada federalka guddiga doorashada.

Dowlada ayaa la sheegayaa in ay guddiga doorashada Koofurgalbeed cadaadis ku saareyso inaysan doorashada ka qeybgelin musharixiinta kala ah Muqtaar Roobow Abu Mansuur iyo taliyihii hore ee nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen.

Xildhibaan Aadan Madoobe, ayaa sheegay in suura gal aysan eheyn in doorashada Baydhabo laga reebo musharixiin gaar ah, Maadaama dadka sharaxan dhamaantood ay ka soo jeedaa Koofur Galbeed.

Guddiga doorashada, ayuu uga digay iney sameeyaan Nin jecleysi, isagoo talo ahaan u siiyay inuu doorahsada ka qeybgalo qof kasta oo buuxiya shuruudohooda.

Doorashada Koofur Galbeed, ayaa laba jeer oo hore dib u dhac uu ku yimid, waxaana xal u helista culeyska saaran gudidga doorashada Baydhabo Khamiistii u tagay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanadan, ayaa isla shalayba kulan is xog wareysi ah la yeeshay xubnaha guddiga doorashada, waxeyna ka dhageysteen halka ay wax u marayaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment