1281 Views

Amni darrida ku soo korortay Soomaaliya waxay khatar weyn ku tahay howlaha samafalka ee ka socda dalka, H’yadaha Qaramada Midoobay

Amni darrida ku soo korortay Soomaaliya waxay khatar weyn ku tahay howlaha samafalka ee ka socda dalka, H’yadaha Qaramada Midoobay
____________________________________________________________________________

Jimco 12/2/2021

Amni darrida ku soo korortay Soomaaliya waxay khatar weyn ku tahay howlaha samafalka ee ka socda dalka, sidaana waxaa Khamiistii sheegay mid ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay.

Waxaa jiray 255 dhacdo oo ka dhan ah hay’adaha samafalka oo la diiwaan galiyay sanadka 2020, sare u kac 59% ah, oo 15 shaqaale gargaar ah lagu dilay, xafiiska UN-ka ee isku xirka arrimaha bini’aadanimada ee UNOCHA ee Soomaaliya ayaa sidaa ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Hay’adda caalamiga ah ayaa tiri: “Amni-darrada ayaa weli caqabad weyn ku ah howlaha samafalka ee ka socda Soomaaliya.

Si kastaba ha noqotee, waxay carrabka ku adkeysay in dhammaan howlwadeenadeeda”ay gargaar gaarsiiyeen dhammaan gobollada” in kasta oo ay jiraan halista baahsan.

Sida laga soo xigtay Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ugu yaraan 12 shaqaale samafal ah oo ku sugan Soomaaliya ayaa la dhaawacay, 24 la afduubay, iyo 14 la xiray ama si kumeel gaar ah loo xiray inta lagu gudajiray sanadka 2020.

Sidoo kale UNOCHA ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan samafalka ay ka wadaan Soomaaliya, islamarkaana ay caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed.

“ Waxaan sii wadi doonaa howlaha samafalka ee aan ka wadno soomaaliya, si aan u caawino shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post