750 Views

Kenya oo War kasoo saareysa khilaafka kala dhaxeeyo Somalia & Arrimaha Gedo

Kenya oo War kasoo saareysa khilaafka kala dhaxeeyo Somalia & Arrimaha Gedo
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 28, 2021
—Dowladda Kenya ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Khamiis ah ay siweyn uga hadasho khilaafka ka taagan gobolka Gedo iyo saamaynta uu ku yeeshay xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

War laga soo saaray Xafiiska Afhayeenka Dowladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Bahda Saxaafadda loo yeeray Maanta 11:00 si kenya uga hadashao khilaafka xoogeystay ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyo saameynta uu ku yeeshay dagaalka ka dhacay Gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya waxaa ay ku eedeeysay in Jabhad ay ku hubeysay duleedka degmada Beled-xaawo ay soo weerareen degmadaas, isla markaana Ciidamada dowladda ay iska difaaceen, kadib dagaalkii dhacay 25-kii Bishaan.

labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad u xoogeystay khilaafka dowladaha Soomaaliya & kenya, kaas oo intiisa badan salka ku haaya Arrimaha degaannada jubbaland.

Urur Goboleedka IGAD ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u saaray waxyaabah sababay khilaafka labada dowladood, waxaana laba Maalin ka hor ay soo saareen warbixin intooda badan aheyd in tabashada ay qabto dowladda aan waxba kajirin, waxaana warbixintaas aad uga carootay dowladda Soomaaliya oo kasoo horjeestay warbixintaas.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post