852 Views

Afar Xisbi Siyaasadeed oo War kasoo saaray xaalada Galmudug

Afar Xisbi Siyaasadeed oo War kasoo saaray xaalada Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2019 —Qoraal kasoo baxay Xisbiyada Wadajir, Ilays, Horusocod Qaran iyo Xisbiga Nabadda ayaa waxaa ay kaga hadleen xaalada Siyaasadeed iyo tan Amni ee deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Qoraalka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaalada Galmudug,isla markaana Ciidamada faraha badan oo ay geysay dowladda Federaalka ay fursad siinkarto waxa loogu yeero Aragaxisada.

 

Waxaa ay sheegeen Xisbiyada in Magalada dhuusamareeb ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu Ammaanka wanagsan Soomaaliya,waxaana Madaxda Dowladda Federaalka ay ka dalbadeen inay dhaqan-geliso heshiiskii ay la gashay Ahlusunna si wax walba u hagaagaan.

 

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa xaalado kala duwan laga soo sheegayay Magalada Dhuusamareeb,kadib kala aragti duwanaan soo kala dhex-gashay Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna,sidoo kalena Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo farabadan geysay Magalada Dhuusamareeb.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment