909 Views

Rooble oo caawa kulan qadka internetka kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada

Rooble oo  caawa kulan qadka internetka kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in Rooble uu caawa kulan qadka internetka kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada dalka, iyagoo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka.

Qoraalka ayaa lagu yiri, “Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardar-gelinta howlaha doorashooyinka dalka.”

Intii uu kulankaasi socday ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada uga warbixiyey halka uu marayo khilaafka xubnaha guddiga doorashada kuraasta BF ee gobollada waqooyi oo maanta xafiiskiisa uu ku qaabilay.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Somaliland, iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu caawa baahiyey xafiiska Rooble.

about:blank Khilaafka guddiga doorashada kuraasta reer Somaliland ayaa salka ku haya xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi oo u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

R/Wasaare Rooble ayaa horay u balan qaaday inuu xal deg deg ah u raadinayo khilaafka guddiga iyo siyaasiyiinta reer waqooyi, si doorasho lagu wada qanacsan yahay ay u dhacdo, isagoo maanta baabi’iyey nidaamka guddoono kala hoggaaminayey 11-ka xubnood ee guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada dowladda federaalka ku meteli doona Somaliland.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in xubnaha guddigaas ay doortaan guddoon rasmi ah, isla markaana lasoo afjaro khilaafkooda.

Sidoo kale kulankaan ay caawa yeesheen madaxda golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed soo doorteen xubnaha ku metelaya golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka 11-aad.

Halka madaxda seddaxda dowlad goboleed ee kale aysan weli soo gudbin liiska musharaxiinta u tartameysa golaha Aqalka Sare, balse waxaa la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socday ay soo gudbiyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post