897 Views

Ciidamo ku baxay dagaal Ciidamo ku dhex-maray Muqdisho

Ciidamo ku baxay dagaal Ciidamo ku dhex-maray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 26 2020–Dagaalkaan ayaa deegaan dulka ka ah degmada Deeyniile ee gobolkan Banaadir waxaa uu ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo la sheegay inay ka yimaadeen Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kuwa Booliska degmada Deeyniile halka wararka qaar ay sheegayeen in labada Ciidan ay ka kala tirsanaayeen degmada deeyniile iyo degaanka Garasbaaleey.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu yimid,kadib markii la isku qabsaday dhul ku yaalla inta u dhaxeysa degmada Deeyniile iyo deeganka Ceelasha Biyaha oo la cabirayay,waxaana dagaalkii dhacay ku geeriyooday in ka badan Shan Askari oo labada dhinac ah.
Goobjogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadii Milalteriga ahaa ay dib ugu laabteen halkii ay markii hore ka yimaadeen ee gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana xaalada ay tahay mi degan.
Warar kale oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka lagu dagaalamay ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad ee Booliska Soomaaliya,kuwaas oo la kala dhex-dhigay Ciidamadii dagaalamay.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Deeyniile iyo Saraakiisha Ciidamada Millateriga weli kama hadlin dagaalka duleedka degmada Deeyniile ka dhacay ee sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment