1425 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 16, 2018 –Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Danjirad Monica Juma, kulan doceed dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa.

Intii kulanku socday oo ahaa mid soo dhoweyn diirran uu Wasiir Cawad kala kulmay dhiggiisa Kenya ayaa labada dhinacba waxa ay muujiyeen rajo wanaagga wadahadalka dhexmaray.

Labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda uu leeyahay kulankooda oo diirrada lagu saarray xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo dhinac kastaba leh, iyada oo loo sii marayo Guddiga Iskaashiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Kenya, si la mid ah waxaa fadhiggaasi lagu faaqiday arrimaha ammaanka iyo nabadgelyada Geeska Afrika iyo howlgalada AMISOM.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment