588 Views

Abiy Axmed: “Aan ku kulanno furrinta hore ee dagaalka”

Abiy Axmed: “Aan ku kulanno furrinta hore ee dagaalka”
____________________________________________________________________________

Talaado: November 23, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in haatan uu hoggaaminayo ciidamada militeriga isla markaana uu tegayo jiidda hore ee dagaalka xilli uu dalkaas ka socda dagaalka u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda.

“Laga bilaabo berry, waxaana tegaya jiidda hore ee dagaalka aniga oo hoggaaminaya ciidamada difaaca” ayuu yiri Abiy oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

“Kuwa doonaya inay kamid ahaadaan carruurta Itoobiya, kuwaas oo ay xusi doonto taariikhda, maanta u kaca dalkiina, aan ku kulanno furriinta hore ee dagaalka”

Hadalka Abiy ayaa imaanaya xilli shaley xisbiga haya talada Itoobiya uu yeeshay kulan looga hadlayo dagaalka ka taagan dalkaas.

Kadib kulan wasiirka gaashaandhigga ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in laamaha amniga ay haatan qaadayaan howlgal ka duwan kii hore oo lagu joojinayo colaadda.

Kadib markii dagaalamayaasha Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga (TPLF) ay ku soo siqeen waddooyinka ka yimaada Waqooyiga ee soo gala Addis Ababa, ayay xiisaddu cirka isku shareertay.

Mareykanka ayaa soo saaray baaqa daadguraynta muwaadiniintiisa, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna codsaday in ciidamo dheeraad ah loo qoro.

Maamulka Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka inay diiwaan geliyaan hubka.

Jabhad kale oo gacan saar la leh kooxda TPLF ayaa sheegtay in ay sidoo kale ku sii dhawaanayaan caasimadda.

Ergeyga Midowga Afrika ee gobolka, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay inay jirto fursadda yar oo lagu wadahali karo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post