630 Views

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad, Kulane iyo Yaasiin Farey

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad, Kulane iyo Yaasiin Farey
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 8, 2021

Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo Taliyaha hay’adda ee gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis.

Qoraal kasoo baxay Qareenka Hooyada dhashay Ikraan ayaa lagu sheegay in dacwaddaan ay soo gudbiyeen qoyska iyo ehellada Ikraan Tahliil Faarax, oo ay NISA shaacisay geerideeda kadib markii ay u gacan gashay Al-Shabaab, ayada oo kooxduna iska fogeysay arrintaas.

“Aniga oo ah Qareen Daahir Maxamed Cali oo Qareen u ah Maamo Khaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax waxaa Xeer ilaalinta CQS ugu soo gudbinayaa Cabashada uu ku xusan oo lid ku ah shaqsiyaadka ujeedda sare ku sheegan si waafaqsan qoddobada 21-aad iyo 22-aad ee XHCS,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waraaqda oo si toos ah ugu socotay Xafiiska X.Ilaalinta Guud, ayaa waxaa ogeysiin la siiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS, waxaana lagu xusay eedeymaha saraakiishaas loo haysto, taasi oo u dhigneyd sidan hoose;

about:blank 1. Fahad Yaasiin: Waa shaqsiga gabadha oo dalka dibadiisa ku maqan u yeeray, una sheegay in xil loo magacaabayo, mar kalane ayada oo safar u socota u sheegay inay joogto si Xil looga magacaabo, wuxuu kale oo uu u sheegay in lala soo xiriir dooni si loola socodsiiyo xilka loo magacaabay, soo wicitaankiisana wuxuu noqday kii gabadha lagu waayey.

2. Cabdiqani Diirane oo loo yaqaano wadna-qabad: Waa shaqsiga gabadha gaariga ku soo qaaday oo gurigeeda ugu qaaday.

3. Yaasiin Faray oo ah Taliyaha Nabadsugida G/Banaadir: Waa shaqisga gabadha loo geeyay markii gurigeeda laga soo qaaday.

4. Cabdillaah Aadan Kulane (Kulane Jiis): Waa shaqsiga dhowr jeer gabadha u soo jeediyay handadaad,arrintaas oo ay u sheegtay hooyadeed.

Gal-dacwadeedka loo gudbiyey Xeer ilaalinta ayaa ka dhigan in si toos ah loo guda-gali doono baarista kiiska Ikraan, islamarkaana ay Saraakiishaas wajahi karaan maxkamadeyn, waa haddii uu ku cadaado kiiskaas.

Si kastaba, arrintaan ayaa imanaysa xili uu Ra’iisul Wasaaraha shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin, sidoo kalena uu faray Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida in uu baaris rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan, kadibna horgeeyo maxkamad sharci ah oo awood u leh.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post