57 Views

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga oo kulan la yeeshay Safiirka Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga oo kulan la yeeshay Safiirka Norway ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa kulan la qaatay danjiraha Norway ee Soomaaliya Mudane Carsten Carlsen iyo la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Norway Mudane  Geir Arne Schei.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo kamid tahay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga ku saabsan horumarinta Kalluumeysiga, sugidda amniga badaha, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo ka hortagga dambiyada ka dhaca badaha.

Danjiraha dowladda Nowray ee Soomaaliya mudane Carsten Carlsen ayaa bogaadiyey talaabooyinka ku saabsan iskaashiga sugidda amniga badaha ee ay qaaday dowladdu waxaana uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wasaaradda kala shaqeeyaan sugidda amniga badaha (maritime security) iyo in si wax ku ool ah loo maareeyo Kalluumeysiga iyo KHeraadka badaha.

Wasiirka wasaaradda Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa la wadaagay horumarada laga sameeyey dhinaca Kalluumeysiga gaar ahaan qorsheyaasha wasaaradda uga yaalla iskaashiga iyo horumarinta Kalluumeysiga, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo in la helo hufnaan la xiriira amniga badaha dalkeenna (maritime security).

Waxa uu intaa ku daray in uu mudnaan gaar ah siinayo xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka labada dal iyo sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen and arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan amniga badaha, ka hortagga dambiyada ka dhaca badaha iyo in si wax ku ool ah loo maareeyo Kalluumeysiga iyo kheraadka badaha iyada oo laga faa’ideysanayo iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post