417 Views

Akhriso: Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga Arrimaha Dastuurka ee la Magacaabay

Akhriso: Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga Arrimaha Dastuurka ee la Magacaabay
____________________________________________________________________________

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Xaruntooda waxaa ay ku yeesheen mid kamid ah kulamadooda caadiga ah, iyaga oo iska soo dhex xulay Xubnaha  Aqalka Sare ku matali doona Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal.

Gudoomiyaha Golaha  Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha golahaasi ku matalaya gudiga dastuurka ee labada aqal kuwaas oo ka kooban 5 xubnood, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Xasan Xuseen Xaaji  oo hadda ah Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya lagana soo doorto degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

2: Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo laga soo doortay degaannada Maamulka Galmudug.

3:  Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) oo laga soo doortay degaannada dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaayo

4:  Saalax Axmed Jaamac  oo hadda ah Wasiirka Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliland, isla markaana Aqalka Sare ku matala Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Somaliland

5: Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo isna laga soo doortay degaannada Jubbaland gaar ahaan Magaalada kismaayo.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhankooda waxaa laga sugayaa inay iska soo dhex xulaan Xubnaha ku matali doona uddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal, waxaana wareegto ku magacaabi doona  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe).

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post