990 Views

Geela laba kurus leh oo lagu arkay iyagoo dhex socda waddooyinka caasimadda Spain ee Madrid

Geela laba kurus leh oo lagu arkay iyagoo dhex socda waddooyinka caasimadda Spain ee Madrid
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Siddeed neef oo geel ah ayaa lagu arkay iyagoo dhex socda waddooyinka caasimadda Spain ee Madrid, aroortii hore ee shalay iyagoo ka soo baxsaday xeradii ay ku jireen, sida laga soo xigtay booliiska.

Geela ayaa lagu arkay koofurta degmada Carabranchel, oo ah meel u dhow xeradii ay ku jireen.

Booliiska ayaa markii dambe isku dayay in geela oo nabad ah lagu celiyo xeraddooda.

Madaxa xarunta Circus Mati Munoz ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in derbiga siligga ah ee xerada ku wareegsanaa uu go’ay sidaasna uu geelu ku baxsaday.

Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in geeliisu aysan gaarin wax dhibaato ah.

Geelan oo ah noocyada loo yaqaanno llama iyo Bactrian oo leh labo kurus iyo dhogor badan ayaa asal ahaan ka soo jeeda saxaraha bartamaha iyo koofurta Aasiya ayaa u adkeysan kara cimilada aadka u xun.

BBC Somali

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post