480 Views

DFS oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

DFS oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay
____________________________________________________________________________


khamiis: January 13, 2022

Isxaaq Abshir ibraahim Aadan Magaca afgarashadiisuna ay tahay (Cabdullahi) ayaa  isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 60aad ee degaannada Koonfur Galbeed.

Isxaaq ayaa Al-Shabaab ku jirey Mudo 7-Sano isagoo u qaabilsanaa karinta Raashinka iyo Jabhada Wuxuuna ka qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Deeganada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeellaha hoose, ay ka mid yihiin Awdheegle,Janaale ,iyo lambar 50 .

Isxaaq Absir ayaa sheegey in Sababta ku kaliftey in Al-Shabaab ka soo baxo isku soo dhiibo Ciidanka Dowladda ,ayaa sheegey ka dib markii uu arkey Dhibaatada ay ku hayaan Shacabka soomaaliyeed .

Mudooyinkii dambe waxaa sii xoogeysaneya Dhalinyaradii ku jirey Al-Shabaab oo isku soo dhiibeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post