1086 Views

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta oo sheegtay in ay dhiseyso Xarunta Uruurinta Zakada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta oo sheegtay in ay dhiseyso Xarunta Uruurinta Zakada.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 17 2020– Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Cismaan Aadan Dhuubow oo la hadlay Warbaahinta Dowladda waxa uu faah-faahin ka bixiyay qorshaha Wasaaradda ee dhismaha Xarunta Sakawaadka.

 

Waxa uu sheegay in xaruntaan oo hagaagto isla markaana hesha meelo ammaan ah oo si wanaagsan u shaqo gasho, waxaa dhaqaale fiican loo heli karaa dadka dhibaatada ku heyso dalka sida uu hadalka u dhigay.

 

Cismaan Aadan Dhuubow Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya waxa uu tilmaamay in dhismaha Xaruntaas ay ku howlan yihiin si waxqabad wanaagsan Bulshada ugu noqoto.

 

Abaarta, Fatahaadaha, Musiibooyinka iyo Cudurada faafa ayuu shaaciyay in wax looga qabanayo dhaqaalaha ku dhaca Xarunta Sakawaadka marka lasoo idleeyo howlaha lagu dhidbayo.

 

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya waxa ay sheegtay in waxyaabo badan ay isbadal ku sameyn doonto, iyada oo sanadkii hore tartan ay gelisay Shirkadaha Xujeyda qaada, sidoo kale isla sanadkaan ayay soo bandhigtay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment