255 Views

Dad careysan oo dibadbaxyo ka hor dhigaya guriga xildhibaan Juweeriya

Dad careysan oo dibadbaxyo ka hor dhigaya guriga xildhibaan Juweeriya
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa ka socdaa Jigjiga kadib markii shaley askari ka tirsan booliska federaalka Itoobiya uu garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku dilay xilli uu rasaas ku furay halkaas.

Dadweyne careysan ayaa hor dhooban guriga xildhibaan Juweeriya, waxay dalbanayaan caddaalad.

Taliyaha booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in aanan weli la ogeyn sababta uu askarigaas xabadda ugu furay dadkii safrayay, balse uu socdo baaritaan.

Wuxuu intaa ku daray in gacanta lagu soo dhigay Askariga ka tirsan ciidamada Federaalka Itoobiya ee ilaaliya garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga, kaas oo rasaas uu furay ay ku dhimatay gabar ka tirsaneyd xildhibaannada deegaanka Soomaalida ee dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post