1164 Views

Midowga Musharaxiinta oo mar kale baaq u diray hay’addaha Ammaanka

Midowga Musharaxiinta oo mar kale baaq u diray hay’addaha Ammaanka
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 16 2021–
Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya in ay caddeeyaan mowfiqkooda ku aadan banaanbaxa lagu waddo in uu Jimacada ka dhaco Muqdisho.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in aysan wali kasoo jawaabin hay’addaha Ammaanka baaqii ay u direen oo ahaa sugida Ammaanka banaanbaxayaasha.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in looga baahan yahay in ay qaataan mas’uuliyadda saaran haddii kale ay ku dhawaaqi doonaan go’aamo ku saabsan sugitaanka Ammaanka goobta.

Waxaa xusay in banaanbaxa uu u dhici doono sidii loogu tala galay loogana soo horjeedo Madaxweynaha uu waqtigiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hadalka Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dadka Muqdisho ay u diyaar garoobayaan ka qeyb-galka Banaanbaxa ay ku baaqeen Musharixiinta ee ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post