873 Views

Axmed Madoobe oo eedeyn Cusub u jeediyey Dowladda

Axmed Madoobe oo eedeyn Cusub u jeediyey Dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 23, 2019 | QOL |   –Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu socdo qorsho dib loogu soo celinayo dalka Qaxooti Soomaali ah oo ku nool dalalka deriska ah gaar ahaan Kenya,hayeeshee uu sheegay in qorshahaan ay hor istaagtay Dowladda Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay in qorshahaan ay waday Qaramada midoobey si markii dalka lagu soo celiyo dib u dejin loogu sameeyo Magaalada kismaayo,isaga oo ka digey in la siyaasadeeyo dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah Kenya.

 

 

 

Barnaamijkana dalka dib loogu soo celinayo Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya ayaa waxaa waday Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya,hayeeshee Axmed Madoobe uu sheegay in la siyaasadeynayo.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment