1584 Views

Rooble oo kulan soo dhaweyn ah la yeeshay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo muqdisho soo gaaray

Rooble oo kulan soo dhaweyn ah la yeeshay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

May 21 2021

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo galabta Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka, ayaa la kulmay Raisal Wasaaraha Somaliya Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ah la yeeshay madaxweynaha Puntland oo saacadihii la soo dhaafay soo gaaray Muqdisho.

Kulankan Rooble ayaa daba socda kulan uu isla xalay la yeeshay madaxweynayaasha Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo horey ugu sugnaa magaalada, oo la filayo inuu ka furmo shirka arrimaha doorashada ee ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaaminayo.

Sidoo kale  waxaa weli ka maqan Muqdisho Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu soo gaaro berri oo Sabti ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post