768 Views

Midowga Yurub oo war kasoo saaray dilkii Somaliland ku fulisay lix ruux

Midowga Yurub oo war kasoo saaray dilkii Somaliland ku fulisay lix ruux
____________________________________________________________________________

Khamiistii lasoo dhaafay Maamulka Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku fuliyay lix Rag ah oo horey Maxkamadda xukuno dil ah ugu riday, kadib markii deegaano ka tirsan Somaliland ay ka geysteen dilal qorsheysan.

Midowga Yurub ayaa si kulul uga hadlay tallaabada ay Somaliland xukunkii dilka toogashada ugu fulisay Lixda ruux oo in muddo ah ku xirnaa xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa, iyagoona khamiistii la dilay.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin xukunka toogashada ahaa ee lagu fuliyay raggaas, iyagooan tilmaamay in kasoo horjeedan Go’aankii ay qaataday Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Midowga Yurub wuxuu leeyahay mowqif mabda ‘ah oo ka dhan ah ciqaabta dilka waxayna ka soo horjeedaan adeegsiga ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Ragan xukunka dilka ah lagu riday ayaa waxaa toogashadooda codsaday in loo qisaaso ehelada dadkii ay horey u dileen, kadib markii ay diideen in ay ka qaataan mag ama diyo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qalinka ku duugay in la toogto raggaas xukunka dilka ah lagu fuliyay, waxaana weli xabsiyada Somaliland ku xiran rag kale oo iyana ku xukuman xukuno dil ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post