906 Views

Puntland oo sameysay Guddi la xisaabtama Xirfadlayaasha Caafimaadka

Puntland oo sameysay Guddi la xisaabtama Xirfadlayaasha Caafimaadka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 19 -2020—Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay xafladda Daah-furka guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinaayey xafladdaasi masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda, Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dhakhaatiir, aqoonyahano iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland waa Guddi dowli ah oo ka shaqayndoona Hubinta, Ruqsad-siinta, Diwaangelinta, Kormeer, Dhawrista iyo ilaalinta xirfadda Caafimaadka Dhulka Puntland, waxaana uu Gudigu hoostegeyaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Karaash ayaa bogaadiyey oo dhiirigeliyey cid kasta oo kasoo shaqaysay Agaasinka xafladda iyo dhismaha Golaha Caafimaadka oo uu xusay in uu yahay Golle muhiim ah oo wax badan Dowladda ka saacidi doona.

 

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xaqiijiyey in Dowladdu garab muuqda siindoonto, lana shaqayndoonto Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, si ay ugu fududaato shaqada muhiim ka ah ee ay u idman yihiin.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment