1167 Views

Ciidanka la dagaalanka Argagixisadda Puntland PSF oo sheegay in Dagaalkii buuraleyda Gobolka Bari manta ay ku qaadeen..

Ciidanka la dagaalanka Argagixisadda Puntland  PSF oo sheegay in Dagaalkii buuraleyda Gobolka Bari manta ay ku qaadeen..
____________________________________________________________________________

5-  Marso, 2021

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa waxaa lagu sheegay in 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaal maanta ka dhacay buuraleyda Gobolka Bari.

Qoraalka ayaa Taliska PSF ayaa waxaa ay sidoo kale ku sheegeen in dagaallamayaashii Al-shabaab ee xalay weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso, ay maanta ku qaadeen hawlgal qorshaysan, islamarkaana ka dileen 20 xubnood ,halka afar maxbuusna ay ka qabteen.

Sidoo kale, waxay tilmaameen in dib Al-shabaab uga soo furteen maxaabiistii  ay xalay kala baxeen xabsiga weyn ee boosaaso.

Taliska PSF ayaa u mahadceliyay Laamaha kala duwan ee Ciidamada Puntland oo ka qayb-galay hawlgalka

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post