534 Views

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo qeylo-dhaan muujiyay

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo qeylo-dhaan muujiyay
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in xilligaan Gobolka Hiiraan ay kajirto xaalad aad u daran oo bani’aadannimo, isla markaana hadii aan la helin dowlad ka jawaabta ay noqon karto mid kasii darta.

Wuxuu sheegay in dadka Reer Hiiraan ay heysato Saddex marxaladood oo kala duwan, kuwaas oo uu ku kala sheegay Al-Shabaab oo degmooyinka qaar go’doomiyay, Colaad beeleedyada soo laab laabtay & Abaar baahsan oo sababtay in dadku galaan xaalad aad u adag.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Maamulka Gobolka Hiiraan iyo in Hay’adaha gargaarka ay isku raaceen in si deg deg ah looga jawaabo baahiyaha abaareed ee heysata dadka kunool degaannada uu maamulo Maamulka goolka Hiiraan.

Warkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan yaa kusoo beegmaya xilli degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan ay kajirto abaar aad u daran, isla markaana aan weli ka helin cid ka jawaabta

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post