1209 Views

SAWIRO:-Wasaaradda Amniga Jubbaland oo kulan isugu yeertay musharixiinta

SAWIRO:-Wasaaradda Amniga Jubbaland oo kulan isugu yeertay musharixiinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 25, 2019 –Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kulan ku yeeshay Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) iyo qaar ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Amniga Jubbaland,waxaana  looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin ka wada shaqeynta Amniga guud iyo doorashoooyinka Jubbaland oo la filayo inay dhacaan Bisha Agoosto ee Sanadkaan 2019.

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland  Cabdi rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa musharixiinta ka dalbaday inay Maamulka kala Shaqeeyaan dhinaca amniga si doorashada u dhacdo sidii loogu talo galay.

Warkaan oo faah faahsan kala socda Radiorisaala.com

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment