1122 Views

Cali Cabdullahi Cosoble” Waan ku faraxsanahay tan lagu sameeyay Jubbaland”

Cali Cabdullahi Cosoble” Waan ku faraxsanahay tan lagu sameeyay Jubbaland”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 07, -2019 —Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka Dowladda iyo dowlad Goboleedyada Jubbaland & xayiraadii dhawaan la saaray Maamulkaas.

 

Waxaa uu sheegay Cosoble in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo mar walba raali isaga ah isu xoog sheegashada,isla markaana ay yihiin kuwa isku fiirsada,kadibna ay dhacdo inay mid mid u qeyliyaan.

 

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dhamaan Maamul goboleedyada ka jira dalka ayuu ku sheegay in qofba qofka kale uu ku fiirsanayay dhibaatooyinkii loo geystay,isaga oo ku faraxsan yahay inay maamulada dhadhamiyaan dhibaatooyinka lagu haayo.

 

Cosoble ayaa isaga oo Madaxweyne ka ah Maamulka Hir-Shabeelle mooshin xilka uga qaaday Baarlamaanka Maamulkaas,kadib khilaaf soo kala dhex-galay isaga oo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la aaminsan yahay inay dabada ka riixeysay Xukuumadda Soomaaliya.

 

Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook oo dhameystiran.

 

Soomaaliya waa waddan ay dadkiisa raalli isaga yihiin isu xoog sheegadka iyo is dulminta, sababtoo ah kama dhiidhiyaan khaladaadka ee wey isku eegtaan, markaasuu midba maalin cabaadaa.

 

Mac sokor ayey ku tahay Jubbaland, waan ku faraxsanahay tan lagu sameeyay Koofur Galbeed, ha iska daba wareegato Galmudug, Hirshabeelle ha bakhtiso, Puntland ha faquuqnaato. Airporska ha la iska celiyo, guryahana ha la isugu daato. Doorashadana dib ha loo dhigo. Intaba waan ku faraxsanahay. Ha la wada dhadhamiyo xaraarka uu dulmiga leeyahay. Xaraarka dulmiga wuxuu isu beddelaa macaan markaad aragto kii shalay kugu qoslaayay oo maanta cabaadaya. Nin walboo dulmi ka sheeganaya waxaan leeyahay ‘welcome to the club’, albaabadana wey furan yihiin. Dulmiga wuu bilowdaa ee ma joogsado.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment