900 Views

DEG DEG:-Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Xabsiga ka baxsadey

DEG DEG:-Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Xabsiga ka baxsadey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 28-2020—War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaan in Xabsi uu ku xirnaa uu ka baxsaday wasiirkii Wasaaradda Amniga jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan,kaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u xirnaa dowladda Soomaaliya.

 

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Amed ayaa xaqiijisey baxsashada Wasiirka,iyada oo sheegtay in laamaha Amniga Soomaaliya ay ku raadjoogaan,inkastoo aysan shaacin halka uu ku xirnaa.

 

 

 

“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan ayay tiri’Taliye Zakiya.

 

31-kii Bishii Agoosto ee Sanadkii 2019 ayaa Dowladda Soomaaliya ay xirtey Cabdi Rashiid Janan xilli uu ka dhoofayey Garoonka diyaaradaha Mudisho,waxaana lagu eedeeyey in dambiyo kala duwan uu ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraa

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment