930 Views

Deegaanka Bohol oo ay gaareen Saraakiil uu horkacayo Taliyaha Ururka 6aad Ciidamadanka Xoogga Dalka

Deegaanka Bohol oo ay  gaareen  Saraakiil  uu horkacayo Taliyaha Ururka 6aad  Ciidamadanka  Xoogga Dalka
____________________________________________________________________________

khamiis: November 4, 2021

Waxaa Maanta gaaray Deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud wafdi Saraakiil ah oo uu horkacayo Taliyaha Ururka 6aad ee Guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka General Aadan Abshir Nuure, hallaas oo ay ku sugan yihii  Xubno Sar sare oo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca.

Ujeedada saraakiishaan ay u tageen degaanka Bohol ayaa waxaa lagu sheegay xal ka gaarista arrinta Ahlusunna ee ku aadan dhameynta tabashada ay qabaan iyo ka gudbida waxyaabihii ka dhashay dagaalkii degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Maalmihii la soo dhaafay kulamo uu janeraal Aadan Abshir uu la yeelanayey Siyaasiyiinta, Madaxda Galmudug iyo Waxgaradka Deegaanka ayaa la Go’aamiyey in halkaasi Maanta uu tago isaga iyo Masuuliyiinta la socota kadibna wada-hadallo ay bilaabaan.

Saraamiisha ka socota Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Xubnaha hoggaanka Ahlusunna si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug.

Dehmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaa dhawaa  ka dhacay dagaal geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, kaas oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhimac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post