417 Views

Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta Ukraine oo la sheegay iney halis ugu jiraan in laga qabsado marinka sahayda loo soo mariyo

Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta Ukraine oo  la sheegay iney halis ugu jiraan in laga qabsado marinka sahayda loo soo mariyo
____________________________________________________________________________

Sabti: july 23, 2022

Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta Ukraine ayaa la sheegay iney halis ugu jiraan in laga qabsado marinka sahayda loo soo mariyo, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray sirdoonka Militariga Britain.

Ciidamada Ruushka ayaa weerarro xooggan kala kulmayey kuwa Ukraine ee ku sugan gobolka Kherson, si ay dib uga qabsadaan galbeedka wabiga Dnipro.

Warbixintu waxay sheegtay ciidamada Ukraine iney ku guuleysteen burburinta buundo muhiim ah, iyaga oo sii wado dadaalka ay ugu jiraan waxyeelleynta saanadaha militari ee Ruushka iyo marinka loo soo mariyo intaba.

Barasaabka gobolka bartamaha Ukraine, wuxuu sheegay gantaallada Ruushka iney ku dhaceen garoon diyaaradeed iyo jid tareen tiro dad ahna ay halkaasi ku dhinteen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post