1710 Views

TikTok oo barteeda ka saartay ku dhowaad 7.3 milyan carruur

TikTok oo  barteeda ka saartay ku dhowaad 7.3 milyan  carruur
____________________________________________________________________________

Khamiis: luliyo 1 2021

TikTok ayaa barteeda ka saartay ku dhowaad 7.3 milyan oo cinwaan oo ay uga shakisantahay inay lahaayeen carruur da’doodu ka yartahay 13 sano.

TikTok ayaa sheegtay in ay ku qiyaastay cinwaanadaas in ka yar 1% marka la barbardhigo tirada guud ee isticmaaasha bartooda.

Carruurta da’doodu tahay 13 sano iyo wixii ka weyn ayaa loo oggol yahay inay isticmaalaan barta TikTok, iyada oo la sheegay in ay aad u jecel yihiin dhalinyarada.

Waxay sheegtay inay rajaynayso faahfaahinta ku saabsan dadka da ‘yarta ee adeegsada inay “ka caawin doonto shirkadaha inay horay u sii socdaan markay tahay daah furnaanta iyo isla xisaabtanka ku saabsan badbaadada isticmaaleyaasha”.

TikTok ayaa sidoo kale sheegtay inay soo saartay dhowr tallaabo oo lagu ilaalinayo dhalinyarada ku jirta bartooda, oo ay ku jiraan xaddidaadda astaamaha sida farriimaha gaarka loo leeyahay iyo toos u socoshada dadka isticmaala ee ay da’doodu tahay 16 sano jir iyo wixii ka weyn.

Dadka – oo u badan dhallinyaro – waxay barta u adeegsadaan in ay soo dhigaan muuqaal 15 il-briqsi ah. Qaarkood heeso ayay dhageysanayaan, kuwana majaajilo iyagoo adeegsanaya farsamooyiin aan caadi ahayn oo muuqaalka ay ku jarjaraan.

Muuqaalkaas wuxuu gaarayaa asxaab ay dadkaas garanayaan iyo kuwa kale. Sida caadiga ah, dhammaan cinwaannada waa kuwo qof kasta uu daawan karo, inkastoo qofka cinwaanka sameysta uu dadka qaar ah ku soo darsan karo.

“Si aan u ilaalino carruurta yaryar, warbixintan waxaan ku darnay tirada xisaabaadka laga saaray inuu ka mid yahay qof da’diisu ka yar tahay midda uu sheegtay,” ayuu yiri Cormac Keenan, madaxa shuruuc dajinta ee barta TikTok.

“Si aan u sii wadno xoojinta hanaanka aan u ilaalineyno TikTok oo ah meel dadka 13 iyo wixii ka weyn ay isticmaali karaan, waxaan higsaneynaa inaan raadinno hab teknoolojiyad cusub ah”

App-kan oo laga leeyahay Shiinaha ayaa dadka ugu badan ee isticmaala yihiin dhalinyaro waxaana sii kordhaya walaaca laga qabo saamaynta ay ku yeelan karto.

Xogta loo dusiyay wargayska New York Times sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in seddex meelood meel dadka isticmaala Mareykanka ay da’doodu tahay 14 iyo wixii ka yar.

“Mid ka mid ah caqabadaha ay TikTok wajahayso oo aysan kaga duwanayn [baraha kale ee ay bulshada ku wada xiriirta] waa xaqiijinta da’da isticmaalayaasha,” ayuu yiri Chris Stokel-Walker, oo ah qoraha TikTok Boom.

“Muddo tobanaan sano ah, waxaa suurtagal ahayd in la hubiyo da’da qofka iyadoo si fudud loo dhahayo waad ka weyn tahay da’daas, balse hada dhalasho oo been abuur ah ayuu qof kasta sheeganayaa.”

“TikTok waxay leedahay qaar ka mid ah tikniyoolajiyadda ugu casrisan adduunka ee aragtida kumbuyuutarrada, oo ay la socoto, waxay u badan tahay inay awood u leedahay inay ku ogaato sida saxda ah ee adeegsadayaasha da’doodu ka hooseyso da’da. Balse isticmaalka tikniyoolajiyadda noocan ah waxay u baahan tahay oggolaansho.”

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii TikTok lagu dacweeyay inay ururiso ayna isticmaasho xogta carruurta.

Bishii Janaayo, hay’adda ilaalisa xogta gaarka ah ee Talyaanigu waxay ku amartay TikTok inuu xannibo macluumaadka dhalinyarada da ‘yarta ah, ka dib dhimashadii gabar 10-sano jir ah oo isku dayday inay samayso xujo muuqaal ah oo ka socotay barta TikTok.

Kaliya ma ahan mid ka mid ah barnaamijyada sida weyn loo isticmaala ee sii kordhaya balse waxay u badan tahay inuu yahay kan ugu fiirsashada badan.

Khuburo badan ayaa leh “ma jiraan si cad oo loo ogaan karo da’ada qofka isticmaalaya baraha bulshada waana dhibaatada ugu weyn ee ay wajahayaan shirkadaha TikTok la midka ah”

Ma jiraan waalidiin badan oo raba inay xogta baasaboorkooda u dhiibaan shirkadaha waaweyn , gaar ahaan, haddii la hirgeliyo xaqiijinta da’da caruurta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post