1119 Views

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Hoygiisa ku qaabilay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Amba. Donald Yamamoto..

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Hoygiisa ku qaabilay safiirka  Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Amba. Donald Yamamoto..
____________________________________________________________________________

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

 Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe  ayaa Magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa kula kulmay mar kale safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Amba. Donald Yamamoto.

Wararka ayaa sheegaya in Safiirka USA uu ku booqday Hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho madoobe, waxaana la sheegay in ay ka wada hadleen xaalada doorashooyinka dalkan ee sanadkan 2021-ka

Sidoo kale labada dhinaca ayaa isla soo hadal qaaday sidii beesha caalamka ay qeyb uga qaadan laheyd dadaallada socda, siiba qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

“Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii Bulshada caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Sidoo kale Axmed Madoobe oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa u yimid ka qeyb-galka shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post