1200 Views

Maxkamad ku taal Mareykanka oo lacag Magdhow ku xukuntay Sarkaal ka tirsanaa dowladdii Siyaad Barre

Maxkamad ku taal Mareykanka oo lacag Magdhow ku xukuntay Sarkaal ka tirsanaa dowladdii Siyaad Barre
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2019–Maxkamad ku taal Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa ku xukuntay lacag magdhow ah Sarkaal ka tirsanaa dowladdii Milateriga aheyd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

 

Xeer beegti qaadeysay dacwada loo heystay Col. Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaano Tuke ayaa lagu helay mid ka mid ah labo eedeymo loo heystay.

 

Col. Tuke ayaa Maxkamadda ku heshay eed aheyd inuu mas’uul ka ahaa 31 sano jirdil loo geystay Farxaan Maxamuud Taani Warfaa, waxeyna maxkamaddu ku xukuntay inuu bixiyo lacag gaareysa 500,000 kun oo dollar oo magdhawo ah.

 

Qareen ka tirsan Hay’adda CJA oo u doodayay Farxaan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay qaabka uu u dhacay xukunka oo ay mudo dheer sugayeen,isla markaana ay ku qanacsan yihiin xukunka haatan lagu riday Korneyl Yuusuf Cabdi Cali.

 

Farxaan oo ah Shaqsiga dacweeyay Korneyl Yuusuf Cabdi Cali ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dambi looga galay mid ka mid ah wadamada Geeska Afrika in lagu qaado dal Shisheeye oo Mareykan ah.

 

Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment