483 Views

Dagaalyahanada Falastiin iyo ciidamada Israa’iil oo uu dagaal dhex maray

Dagaalyahanada Falastiin iyo ciidamada Israa’iil oo uu dagaal dhex maray
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 6, 2022

Xiisadda ayaa wali taagan, kadib markii habeen hore hub culus uu ku dhacay inta u dhaxeysa Marinka Gaza iyo Israa’iil.

Tobanaan gantaal oo laga soo tuuray Qaza, ayaa iftiimiyey cirka, ka gadaal markii ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqaymaha cirka ee Israa’iil.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah hoggaamiye Tayseer Jabari.

Maamulka Israa’iil waxay sheegtay in duqeymahan ay ka danbeeyeen markii ay kooxd Islamiac Jihad ay gantaallo kusoo rideen.

Gabar shan jir ah, oo ku sugneyd Gaza, ayaa kamid aheyd dadkii ku dhintay duqeynta, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee deegaanka, waxaa ku dhaawacmay tobanaan kale.

Kooxda Islamic Jihad, ayaa duqeynta Israa’iil uga jawaabtay in ka badan boqol gantaal, oo ay ku tureen dhanka Israa’iil.

Inta badan gantaalladii ay tuureen kooxda Islamic Jihad, ayaa waxaa kahor tagay hannaanka difaaca gantaalada ee Israa’iil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post